Guulaha uu gaaray Madaxweynaha Dowlada Galmudug Axmed Ducaale oo la amaanay

SHARE

Madaxweynaha dowlada Galmudug Axmed Ducaalle Geele ayaa mudo dhoor bilood oo xilkaasi loo magacaabay waxa uu sameeyay Guulo la taaban karo.

Mudane Xaaf ayaa siyaasad Cajiib ah lasoo galaya  Galmudug waxana uu meesha ka saaray go.anka Dowlada ee ku aadan in la dumiyo xukuumadii

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxa uu guul kale ka gaaray heshiiska Ahlu-suna isagoo maamulkaasi la qeebsaday awooda Maamulkiisa.

Xubno ka tirsan Maamulkiisa ayuu kala heshiiyay khilaaf xoogan oo kale dhaxeeyay dhawaanahan.

Intii uu ku jiray Ololaha doorashada Galmudug ayuu balan qaaday dhismaha Dekada Hobyo waxana uu ku guuleestay keenida Shactar awood badan kaasi oo Dekada waxbadan ka qaban kara.

Madaxweynaha ayaana hada ku hoolan sidii loo dhisi lahaa Dekad rasmi ah oo ku soo xiran karaan maraakiibta iyo doomaha.

Shacabka Maamulka Galmudug ayaana amaanay guulaha Madaxweynaha uu gaaray bilihii u danbeeyay iyagoo soo jeediyay in loogu daro waqti dheeraad ah.