kooxada alshabaab oo ka hadashay qarax ismiidaaminta ahaa ee saaka dhacay magaaladda..

SHARE

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Qaraxa Ismiidaaminta ee saakay aroortii ka dhacay Barxada General Kaahiye degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Qof watay Jaakad ay ka buuxeen walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay barxada Iskool Pluzia oo ay subixii ku tababartaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo isku diyaarinayay xuska aasaaska Ciidanka Booliska oo 20-ka December ku aadan.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay ku faafiyaan wararkooda waxa ay ku sheegeen nin iyaga ka tirsanaa inuu qarax la beegsaday ciidamo Boolis ah xilli ay safaf dhaadheer ku jireen gudaha xerada.

ciidamadeena ayaa qarax la beegsaday Ciidamo Dowladda Federalka ka tirsan xilli ay safaf ku jireen gudaha xarunta Tababarka Booliska Iskool Pluzio, khasaare ayaa lagu gaarsiiyay Ciidamada halkaasi ku sugnaa.” Ayaa lagu yiri warka Shabaab ka soo baxay.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa waxa ay sheegeen in qaraxan ay ku geeryoodeen dad ka badan 8 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, kuwaasi oo u badan Ciidamo..