War Farxad leh calanka dowlada galmudug oo laga taagay caasimada dhuusa mareeb

SHARE

Wararka aan ka helayno  Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta dowlada gobaleedka galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Xafiisyada Maamulkii Ahlusuna ee hada ku biray Galmudug  laga taagay Calanka dowlada Galmudug.

 

Qaar ka mid ah Bulshada ku nool magaalada Dhuusa Mareeb ayaa wax ay sheegeen in mar qura ay arkeen Calanka  Galmudug oo suran Xafiisyada uu Maamulku ku Shaqeeyo ee degmada Dhuusa Mareeb.

Arrintaan ayaa timid kadib heshiiskii ay 6,dii Bishaan December  muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxda Galmudug iyo Ahlusuna kaas oo maamulkii ahlusunna ay kula midoobeen galmudug.

Dadka ku nool degmada dhuusa Mareeb  hadalhaya isbedelka ka jira degmada Dhuusa Mareeb ee h in mar qura Calanka Galmudug laga taagay Xarumaha Maamulka Ahlusuna uu ku Shaqeeyo ee degmadaas.

Maalmaha nasoo aadan ayaa sida uu qorshuhu yahay la filayaa in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Shaakir ay tagaan degmada Dhuusa Mareeb si labada ay u dhameestiraan heshiiska inta ka dhiman