DAAWO; Si aan Horay Loo arag oo madaxa Xukuumada galmudug Loogu soo dhaweeyay Gobolada dhaxe.

SHARE

Madax Xukuumada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalooyinka dusmareeb iyo Guraceel ee gobolka galgaaduud.

Madaxa Xukuumada galmudug ayaa weriyaasha u sheegay in magacii Maamulka Gobolada Dhaxe laga guuray Loona Guuray magaca Galmudug si loogu shaqeyo loona fuliyay heshiiskii dhawan Muqdisho lagu saxiixay.

Sheikha ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in hadda howlo badan ay ka Bilaaban doonan Caasimada Galmudug ee Dhuusa Mareeb.

Hadalka sheikh Shaakir oo ah madaxa Xukuumada Galmudug ayaa imaanaya xilli Dhawaan la xaliyay Qilaafkii u dhaxeyay Madaxda Galmudug iyo maamulkii Gobolada Dhaxe .