Sadax Qof Oo La gowracay iyo Cidii ka danbaysay Oo La Soo…

SHARE

Warar ku goordhow ku soo dhacay xafiiska warqabadka Galmudugtv ayaa sheegaya in sadax qof lugu gowracay deegaanka Abal ee gobalka Bakool In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn dadka la gowracay waxa ay ahaayeen ayaa hadana dadka deegaanka qaarkood wax ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Odayaal Dhaqameedyo si aad ah looga yaqaanay deegaanka Abal.
Dadkii ka dambeeyay dilka ama Gowraca Odayaashaas ayaa Goobta isaga tegay,iyada oo Meydka ay soo qaateen ehelada dadkaas.
Arrintaan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhalatay xiisad iyada oo duleedka deegaanka Abal maanta siweyn looga hadalhayo Saddexda Oday ee lagu gowracay.
Deegaanka Abal ayaa waxaa dhowr mar ku dagaalamay ciidamada Wadaadka Muqtaar Roobow iyo kuwa Shabaab ah taas oo sababtay geerida Wii uu dhalay Muqtaar Rooboow,waxana jirin ilaa iyo hadda cid ka dhashay oo ka tirsan Maamulka Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.