War Farxad leh Dowlada Galmudug Oo Dhawaan Bilaabaysa In Ay…

SHARE

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dowlada Galmudug Mudane Siciid Siyaad Shirwac ayaa sheegay in dhawan ay dowlada Galmudug bilaabi doonaan   qaadista Canshuur mideysan kaddib markii sida uu sheegay la mideeyay Dhamaan degaanada Galmudug.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dhammaan degaanada dowlada gobaleedlka Galmudug si isku mid ah Canshuurta looga qaado.

Wasiirka ayaa xusay in dhammaan Shacabka Galmudug laga doonaayo in ay bixiyaan Canshuurta ku waajibtay.
Waxaa uu xusay in isku tashi uu muhiim u yahay Galmudug,waxaana uu sheegay in ku takrifal dhaqaale uusan dhici doonin islamarkaana isla xisaabtan dhab ah ay wajihi doonaan Hay’adaha maaliyadda Galmudug.

Heshiiskii Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ku midoobeen ayuu Tilmaamay in ay u saamaxeyso in dhamaan degaannada Galmudug laga qaado canshuur mideysan taas oo uu sheegay in maamul ahaan ay si wanaagsan uga shaqeyn doonaan.

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo lagu hormarinaayo maaliyadda degaanda Galmudug.