Dowlada somaliya Oo qorshe cusub la damacsan Nidaamka Doorashada iyo Shuruucda Xisbiyada ka jira Dalka.

SHARE

ng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya  oo la hadlay WARBAAHINTA ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya sanadka cusub ee 2018-ka qorsheyneyso iney ku talaabsato Horumaro la taaban karo oo shacabka Soomaaliyeed ay u riyaaqi doonaan.

Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in sanadka 2018-ka u qorsheysan tahay Dowladda Soomaaliya hirgelinta nidaamka doorashooyinka sida shuruucda, xisbiyada, doorashooyinka dawladaha hoose, dib u eegista dastuurka iyo dhammaan arrimaha hagaya in doorashooyin hal cod iyo hal qof ay dhacaan 2020ka.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Soomaaliya waa socotaa ee qof walba waa inuu horumarka jira sii xoojiyo si aan u wada gaarno doorashooyin shacabku doortaan Madaxdooda,”

C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku tallaabsatay horumar ballaaran Sanadkii dhamaaday ee 2017, iyadoo caqabadihii jireyna lagu xaliyey si Soomaalinimo iyo nidaamka dowliga ah.