Kenya oo sheegtay in ay dishay Dagaalamayaal Al-Shabaab ah.

SHARE

Qoraal ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa looga hadlay howgalo ay Ciidankeeda amaanka ka sameeyeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ka tirsan Gudaha Kenya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in shan ka mid ah Dagaalamayaasha Al-shabaab lagu dilay weerar ay fuliyiin Ciidamada amaanka Kenya kaas oo ka dhacay magaalada Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari Kenya ee NFD.

Warbixinta ka soo baxday wasaarada Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in Shabaabka la dilay ay ahaayeen Ciidamadii weeraray Gaarisa iyo ijaara kuwaas oo ay baadi goob ugu jirtay Dowladda Kenya.

Waxaa War-saxaafadeedka lagu sheegay in Ciidanka Kenya ay la kulmeen Gaari laga qaatay Saldhigga Ijaara,kaas oo walxaha qarxa lagu xiray kaddibna la bur buriyay,sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen 5 Qori oo AK47 ah,13 Joornaal,370 Xabbo oo rasaas ah,Labo Garneyl iyo maaddooyin laga sameyn karo walxaha qarxa.