Xog Xasaasi ah:-Maxaa ka soo baxay Baaritaankii Weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Qaybdiid.

SHARE

Warbixintan waxaan ku faahfaahinayaa Xogta aan ka hayo Baaritaanka anigoo u kala qaadaya Dhawr qaybood sida,

1-Natiijada uu soo saaray Baaritaankii uu waday Taliyaha CXDS Gen. Cabdiweli Gorod.

2-Maxaa Sababay in Guddi kale oo hor loo Magacaabo Baaritaanka Weerarka.

3-Waa Kuwee Guddiga haatan la magacaabay ee baaraya Kiiska Guriga Cabdi Qaybdiid.

4- UAE iyo USA maxay Tahay Xogta ay ka hayaan Weerarka.

5- Saadaq Joon Muxuu ka yiri eedaynta abaabulka Weerarkaasi.

6- Iyo Qodobo kale.

Sida aan la wada socono Taliyaha Ciidamada XDS Gen. Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa waxa uu waday Baaritaan ku saabsan Weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Qaybdiid 30 Dec. 2017 natiijada Baaritaanka uu aruuriyey Taliyaha ayaa Nuxurkeedu waxa uu noqday in ay lugaha la gashay Taliyaha Ciidamada Nabad sugidda G/Banaadir Saadaq Joon iyo Madax ka sareysa.

hasa yeeshee Warbixinta la siiyey Madaxda Madaxtooyada Somaliya oo aan jeclaysan arinkaa ayaa waxa ay bilaabeen inay si kale u maareeyaan arinka iyaga oo ka codsaday Taliye Cabdiweli Gorod inuu intaa uga haro Baaritaanka, sidoo kale waxa ay ka dalbadeen in uusan wax war ah siinin Saxaafada oo ku saabsan Xogta uu hayo.

Gen. Cabdiweli Gorod oo ogolaaday arimaha loo soo jeediyey ayaa dhankiisa waxa uu ku taliyey in Baaritaanka iyo Xogta uu hayo lagu wareejiyo Hayadda Dambi Baarista ee CID, hasa yeeshee waa laga diiday oo loo sheegay in Cidda baaraysa arinkaa ay Madaxtooyadu Magacaabayso. (Diidmada CID ee in lagu wareejiyo Baaritaanka waxa ay ka cabsi qabaan Madaxtooyadu in Xog dhab ah ay soo gudbiyaan)
Intaa kadib waxaa la magacaabay Guddi lagu sheegay inay arinkaa baarayaan Waxaana Xubnaha la magacaabay ay kala yihiin.

1- Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Caki Daahir Gudoomiye
2- La Taliyaha Madaxweynaha Gen Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)
3- Taliyaha Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha Booliska Cabdullahi Xasan Bariise
4- Madaxa Hogaanka Hawlahha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Cumar Madaale
5- Iyo Sarkaal Booliska ah oo uu abti u yahay Farmaajo oo lagu magacaabo Buule.

Kooxdan ayaa Maalintii Khamiista ee la magacaabay bilaabay baaritaanka Weerarka lagu qaaday Guriga Cabdi Qaybdiid inkastoo aan la garan karin sida loogu kalsoonaan karo Natiijada Baaritaanka ay samaynayaan.

Dhinaca kale Dawladaha Imaaraadka iyo Marykanka ayaa si kala gooni gooni ah u keenay Cadeymo muujinaya Abaabulka Hawlgalka laga Fuliyey Guriga Cabdi Qaybdiid waxa ayn keeneen Cododka Saadaq Joon oo la hadlaya Labada Sarkaal ee xiran ee kala ah Taliyaha NISA ee Degmada Hodan Bashiir iyo Xiriiriyaha Ciidamada NISA iyo Ciidamada Weerarka lagu Eedaynayo ninkaasoo magaciisa la iigu sheegay Taliye Ayaanle, sidoo kale waxa ay keeneen Muuqaalka Xilliga uu Saadq Joon Tilmaanta ka bixinayo Guriga Cabdi Qaybdiid oo uu leeyahay waxaa Degan Ninka abaabulaya Weerar lala damacsan yahay Xerada ay degan yihiin Ciidamada ay tababareen Imaaraadka.

Taliyaha Ciidamada NISA ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo Baaritaanka la sameeyey lagu ogaaday inuu isagu Masuul ka ahaa weerarka lagu qaaday Guriga Cabdi Qaybdiid ayaa inkiray inuu la hadlay oo uu amar siiyey labada Sarkaal ee isagu uu xiray, sidoo akle waxa uu beeniyey inuu Teleefan kula hadlay Cabdi Qaybdiid markii Weerarku dhacay kadib inkastoo Shirkii Jaraaid ee uu Qabtay Cabdi Qaybdiid uu arintaa ku Cadeeyey.

Sidoo kale Saadaq Joon waxa uu Tirtiray wax kasta oo ku jiray labadii Telefon ee uu ka qaaday labada Sarkaal ee uu xiray ee Bashiir iyo Ayaanle, inkastoo Imaaradku ay hayaan Dhamaan Codadkii Saadaq Joon ee uu kula Hadlay Saraakiishaa iyo Saraakiil kalaba oo uu ku amrayo in laga Hawlgalo Gurigaa.

Xogta kale ayaa waxa ay tahay in Saraakiisha ee Maraykanka ee Hawlagalka Somalia ay Khamiistii Warqad u direen RW Kheyre iyagoo siiyey Xogta Waxa ay ka hayaan arinkaa iyagoo u sheegay in Dawladda FS aan la aamini karin haatan kadib haddii Hawlgal la samaynayo iyagoo sabab uga dhigay in arimaha Siyaasada ay uga Faa’iidaystaan Dagaalka lagula jiro Shabaabka.

Wararka la helay ayaa dhankooda waxa ay Xaqiijinayaan in Maraykanka iyo Imaaraadku Xogtii ay hayeen ay la wadaageen Cabdi Qaybdiid sidaa Muuqaalo, Codad iyo Sawiro.

Ugu Dambayntii Xogta ayaa lagu Sheegay in Baaritaanka Dhankooda ay ka bilaabi rabaan INTERPOL.

FG: Sharaxaad ku saabsan halka ay Maraykanku ka soo galeen arinkan.

Ciidanka weerarka gaystay waxaa tababaray Maraykanka waxaana Qalabka ay Isticmaalaan iyo Tababarka Qarashkooda Bixiyey Dawladda Imaaraadka.
Dhinaca kale Saraakiil Maraykan ah ayaa Maamusha Ciidankaasi lagu eedaynayo weerarkawaxayna ku Xeraysan yihiin Xerada loo yaqaan Gen. Gordan

WQ. Abdi Mohamed Ismail