War Deg Deg Ah Ciidamada Puntland Iyo Kuwa Soomaaliland Oo Hada Ku Dagaalamaya Gobalka Sool

SHARE

Wararka hada naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobalka Sool Gaar Ahaan Deegaanka God Qaboobe Ayaa Sheegaya In Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa ku dagaallamaya degaankasi lagu magacaabo god qaboobe oo dhanka Puntland kasoo xigga degaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo Saakay ciidamada Somaliland ay qabsadeen.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalka ah ayaa ah mid xooggan, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalkaan ayaa daba joogga dagaal  Saakay Aroortii ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Wariyaal ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa soo sheegaya in ay jiraan Khasaare Dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaasi ka dhashay.

Puntland ayaa ciidamo badan u Gaysay degaankaasi Markii Somaliland ay dagaal ku qabsatay.
Wixii soo kordha halkaan kala Soco