DAAWO SAWIRO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga oo La Kulmay Ganacsatada Labada Dhinac ee Galkacyo.(Maxay Ka Wada Hadleen)?

SHARE

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen. C/wali Jaamac Warsame Gorod oo Mudooyinkii Dambe ku Sugna Magaalada Gaalkacyo ayaa la kulmay Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo isagoona kala Hadlay sidii ganacsatada ay qeyb kaga Qaadan lahayd Nabadda Iyo hormarka Gobolka Mudug Waxaan uu ku dhiiri galiyey Doorka ay hadda ka qaataan isdhexgalka ka jira Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa ugu Horeyn waxa war bixino la wadaagay Qaar ka mid ah ganacsatada kuwaas oo ka sheekeyey kaalinta ay ka ciyaaraan nabada iyo xasiloonida magaalada iyo guud ahaan Gobolka Mudug, waxaana ay Taliyaha Kaga mahad celiyeen waqtiga uu u horay isku keenida Shacabka Gobolka iyo kan degmada xili ay jirtay xiisado colaadeed oo laga dareemayey Gobolka.

TaliyahaGorod Ayaa Sheegey in ganacsatada ay horseedi karaan Nabadda magaalada madaama ay yihiin cida ugu xariirka badan labada dhinac ee magaalada islamarkaana loo baahan yahay inay adkeeyaan sidii gobolka uu kaga bixi lahaa colaadaha soo laalaabtay.

Gen. C/wali Jaamac Warsame Gorod ayaa xusey inay Dowladda soomaaliya ay ka go’an tahay sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka gaar ahaan Gobolkaan ay colaadu Daashatay.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntii waxaa uu kula dardaarmay Ganacsatada labada dhinac inay hormuud u noqdaan Nabada gaalkacyo isagoona u balan qaaday inay Dowladda ay gacan buuxda ku siin doonto sidii magaaladaan ay Amaan waara ku heli lahayd.

HALKAAN KA EEGO SAWIRADA KULANKA