Deg Deg Qarax Xoogan Oo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho & Qasaare ka dhashay

SHARE

Wararka naga soo gaaraya magaalada muqdisho gaar ahaan degmada hodan ayaa shegaya in qarax xoogani oo saaka halkaas ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay qaraxaan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah wuxuuna ka dhacay agagaarka Jaamacadii Gaheyr oo hadda ay degan yihiin ciidamada Booliska Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay ka qaraxday goob qashin yaalay oo aan sidaasi uga fogeyn xarunta Jaamacadii Gaheyr.

Labada ruux ee geeriyootay oo mid ka mid ah haweenay ay tahay, ayaa xilliga qaraxa uu dhacaayay waxa ay marayeen goobta sidaasi ayeeyna qaraxa ugu geeriyoodeen.

Ciidamada Booliska ayaa tagay goobta qaraxa uu ka dhacay, oo Baaritaan ay ka sameeyeen.

Maydka labada ruux ee shacabka oo halkaasi laga qaaday, ayaa waxaa la geeyay Xarunta Dambi barista Ciidanka Booliska Somaliyed ee CID.