(Falanqeyn):-Duqa Cusub Ma u Doodi Doonaa Danta Caasimadda?

SHARE

 

Xilku waa meerto marba mas’uul loo cimaamado mana jiri doona nin iska joogaya xattaa haddii loo siiyo fursad dheer geeri ayaa sugeysa laakin waxaa waajib ah in mudanuhu taariikhda baal dahab ah ka galo ama bogga madow lagu daro magaciisa, walow Somaliya uusan qofna ceeboobin.

Ku-dhawaad lixdan saacadood oo jaho-wareer siyaasadeed iyo khalkhal amni la galay waxa ay caasimadda Soomaaliya yeelatay duqii 24-aad laga soo bilaabo 1960, markaasoo ay madaxbannaanaatay Somaliya. Injineer Cabdi Raxman Cumar Cusmaan Yariisow, ayaa loo magacaabay inuu noqdo gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir sida lagu shaaciyay wareegto aroor hore oo axaddii ah laga aqriyay warbaahinta dowladda maamusho.

Inta aan aqriste u gelin rajada duqa cusub, aan yara xusuusanno waxa uu ka dhashay khilaafka horseeday in talada laga tuuro Thaabit Cabdi Maxamed.

Horraanta bishan January ayuu ku dhawaaqay in la qabto shir ujeedkiisu yahay Nabadeynta, wadatashiga iyo Aayaha Caasimadda iyo gobolka, Dowladda Somaliya oo loo baahnaa inay u riyaaqdo waxa ay u aragtay waji-gabax, kuna darsoo Muqdisho waa magaalada kaliya ee aan dadkeeda xuquuq looga ogoleyn nidaamka awood-qeybsiga wadanka maxaa yeelay Aqalka sare/golaha Odayaasha matalaad kuma laha caasimadda walow taasi ka horreysay dowladdan hadana waxa ay u egtahay inay ku faraxsantahay duudsiinta xaqa dadka Muqdishow.

Cadaadis heer kasta ah ayaa la saaray duqa Muqdisho si loogu qasbo inuu joojiyo dadaalka uu ugu doodayo dadkiisa maadaama ay ka daaleen hoggaan loo soo magacaabo laakin waa uu ku adkeystay qabsoomidda shirkaasi, si Indhow-garadka loo qaldo ayaa doodda loo digo rogay boobka hanti qaran, halkaas ayaa ah meesha ay sartu ka quruntay.

Yey tahay cidda xaqa u leh ka hadlidda maqaamka caasimadda?- waa mowduuc faaqidaad dheer mudan. Balse aan u soo laabanno magacaabista Yariisow.

Qorshaha magacaabista Duqa Cusub

Soomaaliya kama jiraan isbaheysiyo  dano quman ku dhisan oo leh mabda’ qaranimo marka aad ka shidaal qaadato saaxiibada siyaasadda oo hal-ku-dhig u qaata eray xaaraameedka ‘Siyaasaddu Dan joogto ah ayey Leedahay, Saaxiib joogto ah ma leh’ Eraygaas waxa uu xalaaleynaa in la iskula socdo dano shaqsiyeed.

Xirta madaxtooyada iyo inta ku xeeran waxa ay kulamo degdeg ah maalmahan ka lahaayeen ninkii bedeli lahaa duq Thaabit waxaana dhegaha dadka siyaasadda la socda ee xog-doonka ah ku soo dhacayay magacyada dad horey loo soo tijaabiyay iyadoo wax lagu saleynayo nidaamka beeleed. Dadkaas marna kuma jirin Injineer Yariisow laakin in xilkiisi hore gorgortanka ku jiro ayaa wacaal loo lahaa.

Markii uu xalay dheel-aiyaadeed guriga dowladda ka sameeyay Thaabit Cabdi isagoo sheegtay in la doortay ayaa waaga ku baryay madaxtooyada oo ay isla qaateen in si degdeg ah looga jawaabo xaaladda soo korortay taasoo keenta in Injineer Yariisow loo arkay Rabaayad aan maya dhihi doonin rabitaankooda.

Rajada laga qabi karo Duqa Cusub

Injineer. Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan oo lagu garan ogyahay Yariisow, Ku-dhawaad tobankii sano ee u dambeysay waxa uu ku soo jiray fagaaraha siyaasadda Soomaaliya waxaana dadka yaqaanna ay ku sifeeyaan siyaasi deggan oo aan hal adkeyn.

Saacado ka hor intii uusan noqon duqa 24-aad ee Caasimadda Somaliya waxa ahaa wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha howshaasoo lagu amaanay, balse shaqada raadinta xuquuqda malaayinta Muqisho iyo howlaha adag  ee horyaalla sida, Dejinta xiisadda taagan, Sugidda Amaanka caasimadda ugu halista badan dunida, hufidda howlaha maamul ee adeegyada danta guud sida, kobcinta bilicda magaalada, u diyaarinta doorasho dadweyne iyo joogteynta rajada dadka, looma cabir qaadan karo shaqadii wasaaradda.

Mowduuca maqaamka caasimadda waa mid xasaasi ah, waxaan suuragal ah in mas’uulkii soo qaada ay seefta la tagto, tusaale Cali Cabdulaahi Cosoble madaxweynihii la afgambiyay ee Hirshabelle waxa uu qoonsaday qadiyadda masiirka Muqdisho.

Waxa uu sheegay in shir looga hadlayo aayaha caasimadda Muqdisho gogoshiisa uu dhigayo magalaada Balcad arrintaasoo ku keentay in lagu kiciyo xildhibaanno kadibna sidaas lagu rido.

Dadka sida dhow ula socda siyaasadda ayaa su’aal gelinaya haddii duqa cusub, uu madaxtooyada, baarlamaanka iyo cidda ay khuseyso ku tirtirsiin karo helidda Muqdisho inay is-doorato, maxaa yeelay waxa uu ku quustay ‘Isha weerka’.

Maxaa la gudboon dadka Caasimadda?

Laga soo billaabo sanadkii 2004 goortaasoo siyaasiyiin taageero ka helayay shisheeye ay ku heshiiyeen nidaamkan federaalka oo aan dadka laga talagelin waxaa soo socday musalsalka maqaamka caasimadda ilaa maanta aan u joogno in la dhameystiray maamulladii federaalka halka masiirka caasimaddana laalanyahay.

Waxaa dhisan  gole Odayaal/Aqal sare, dhamaan gobollada matalaad ayey ku leeyihiin laakin Muqdisho waa laga xarrimay inay wakiillo ku yeelato iyadoo ujeedku yahay hanaan awood-qeybsi lagu qaato xubnihii soo gaari lahaa taasoo ka dhigan ‘Kaaga kula lihi keygana anaa iska leh’.

Aniga oon ku dheeraan qormada haddii aan soo gunaanado dadka caasimadda deggan waxaa la gudboon qodobada soo socda:-

  • In ay ku adkeystaan dooddii lagu riday duqii hore ee qabsoomidda shirweynah Aayaha gobolka, si ay maamul KMG ah u sameytaan.
  • In ay la yimaadaan qorshe ay kula xisaabtmayaan xildhibaannada matalaya si rabitaankooda loo geeyo golaha shacabka iyo aqalka sare.
  • In ay isku duubni sameystaan si ay uga badbaadaan kala qoqobid.
  • In dhamaan walaalaha kale ee magaalada deggan maamuus iyo qadarin kula dhaqmaan, kuwa oggol in la maamulo.
  • In aysan cidna uga heebeysan raadinta xqquuqdooda kana dhiidhiyaan cid kasta oo ku dhaqanta lunsi qanti qaran iyo nin jecleysi.

Muqdisho waa Muraayaddii dalka, waxa ay mudantahay in laga meyro Murugada.

W/Q. Abubakar Maxamed Cali.

Ila soo wadaag, Dhaliil ama Toosin.

Ku soo hagaaji, abakarmah@gamil.com.