Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Ku Wajahan Magaala Xeebeedka Hobyo Ee Gobalka Mudug

SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ku wajahan magaalada Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Safarka Madaxweyne farmaajo uu ku tagayo magaalada Hobyo ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlada Gobaleedka Galmudug iyo xubno kale Oo ka mid ah wafdiga Maxadweynaha soomaaliya.

Hobyo waxaa ka socda diyaar garow aad u baalaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafidgiisa, waxaana wadooyinka waa weyn lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweyne farmaajo.

Waxaa la filayaa marka uu Madaxweynahu uu tago magaalada  Hobyo in uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxagaradka iyo Dhalinyarada Magaalada Xeebeedka Hobyo Ee Xarunta Dhaqaalaha Dowlada Galmudug.

Wixii Soo Kordha Halkaan Kala Soco