DAAWO SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Dekeda Hobyo.

SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo Iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale xaaf iyo Wafdi ay Hogaaminayaan oo gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhagax dhigay Dekeda ay yeelaneyso Degmada Hobyo, taasoo ah deked istiraatiiji ah.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay wado isku xirta Hobyo iyo Caabudwaaq, taasoo noqon doonta Kastamka Galmudug.

Dhismaha Dekeda Hobyo ayaa muhiim u noqon doona Deegaanada Galmudug iyo gobolada kale ee bartamaha Soomaaliya, waxaa kaloo ay muhiim u tahay Itoobiya oo noqon karta meelaha ugu dhow ee ay wax kala soo degi karto, maadaama Itoobiya aysan laheyn Deked.