Deg Deg Madaxweyne Farmaajo Oo Goordhow Gaaray Magaalada Cadaado

SHARE

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado,iyadoo Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Xildhibaano siyaasiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay soo dhaweeyeen Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorsheynayaa in maanta uu u ambabaxo Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug, waxaana qaban qaabo xoog leh ay ka socotaa Hobyo oo shacabka ay u diyaar garoobayaan soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha, iyadoo amaanka si weyn loo adkeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalka uu ku maray qeybo ka mid ah gobollada dalka .

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa  ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.