Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Xaaf oo wareegto ku soo saaray maqaamka ay yeelaneyso Cadaado

SHARE

Madaxweynaha Dowaldda Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wareegto ku soo saaray maqaamka ay yeelaneyso Cadaado, kaddib markii lagu guuleystay dadaaladii la xiriiray xalinta cabashada Beesha Cadaado.

Qoraalka ka soo baxay Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in aan la hilmaami doonin doorkii Cadaado oo lagu tilmaamay inay tahay Hooyada Galmudug.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Cadaado ay noqoneyso xarunta Baarlamaanka Galmudug, sidoo kale laga dhisayo Xabsiga Dhexe ee Galmudug.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii wada hadalo uu hoggaaminayay Madaxweyne Madaxweynaha Dowladda Galmudug xaaf ay mira dhaleen, isla markaana la soo afjaray tabashadii Beesha Cadaado ka qabtay heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug.

Halkan hoose Akhriso Qoraalka