(Warbixin):-Malaaq Cali -‘Hoggaamiye Dhaqan Oo Aan Hunguri Raac Ahayn’

SHARE

Khilaafka ka dhasha dhacdooyinka Siyaasadda, Amniga iyo kuwa bulsho waxa ay reebaan dhaxal aan ka go’in maskaxda mujtamaca la kulma.

Hogaamiyeyaasha dhaqan ee ay bulshooyinka leeyihiin ayaa muddo dheer lahaa mudnaan iyo dhowris sharafeed mar kasta gaara ahaan xilliyada  ay musiibooyinka jiraan iyadoo aysan ku dhexmilmi jirin ismaandhaafyada ka dhexdhasha qabaa’ilka ay u arraimiyaan ama taladooda la dhacsan ee u hogaansan.

Bulsho walba waxa ay leedahay hoggaan dhaqan sida, Suldaan, Garaad, Boqor, Imaam, Malaaq, Wabar, Ugaas, Islow, IWM.  Beelweynta Mudullood Hiraab ayaa fac-ka-fac soo lahady saddex hoggaan dhaqan oo kala ah Imaam, Ugaas iyo Malaaq walow markii dambana Boqor lagu daray.

Maxaan u soo qaatay?!!!…………………………………

22-kii bushan January waxaa la soo afmeeray isqabqabsi u dhaxeeyay madaxtooyada Somaliya iyo maamulkii hore ee gobolka Banaadir, laakin intii ay mashaqadaasi aloosneyd waxaa lagala kulmay falal hoos u dhigay miisaanka dad magac ku lahaa bulshooyinka ay ka soo jeedaan iyo Soomaalida.

Habeenka Axadda waxaa la hadal hayay in istiqaaladiisa uu wareejiyo duqii la eryay ee Thaabit Cabdi, balse waxaa ka dhiciseyay Duubab dhaqan iyo Odayaal dhuuni doon ahaa kuwaasoo u muujiyay taageero aan rasmi ahayn oo ku dhalisay aragti ka duwan tii uu qabay.

Duubabka dhaqanka ee beesha Mudulood oo laga reebay Malaaq Cali Malaaq Maxamed ayaa iska xaadiriyay hoyga Thaabit Cabdi halkaasoo ay ku ayideen gudoomiyenimadiisa digniinna ka soo saareen haddii xil-ka-qaadis lagu sameeyo.

Malaaq Cali Malaaq Maxamed ayaa u arkay tallaabadaas mid qaldan oo gaf ku ah hannaanka kala dambeynta iyo dowlad-wanaagga walow ay xusid mudan tahay in uusan la dhacsaneyn habka markii horeba lagu magacaabay gudoomiyaha la ceyriyay.

Marka ay halkaasi joogto ayaa mar kale loo cimaamatay in sawirro lala galo duqa cusub ee Muqdisho Injineer Yariisow oo saacadihii hore ee magacaabistiisaba la soo xiriiray Malaaq Cali oo ajiibay balse ka cudurdaartay inuu ka soo muuqdo gogoshaasi.

Waxaa baraha bulshada ku shaacay hadal-heynta haddii duubabka dhaqanka Mudullood yihiin kuwa Oraahdooda iyo go’aamadooda isku mid yihiin. Waxaa intaasi sii dheer in qaarkood iyaga oo qaba labiskii ay ku qaabileen Thaabit inay kula kulmaan inay iskula sawireen Injineer Yariisow.

Fadeexadaasi waxa ay muujisay sida loogu baahanyahay hoggaan dhaqan oo leh Himilo ka sarreysa Hunguri raacnimo.

Aan qormadeyda ku soo afmeero faahfaahin kooban oo ku saabsan Sooyaalka Malaaq Cali.

Malaaq Cali Malaaq Malaaq Maxamed, sida magaciisa ka muuqataba waxa uu ka soo jeedaa qoyska reer Malaaq ee Galmaax Yoonis, waana malaaqa 11.

Bishii May sanadkii 2015 ayaa lagula caano shubay duleedka Waqooyi-bari ee Muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceelcadde.

Waa duubka kaliya ee dhaqanka beesha Mudulood oo si sax ah tolkiisu isugu raaceen uguna caano shubeen.

Malaaq Cali -‘Hoggaamiye dhaqan oo ku dayasho mudan’