WAREYSI XASAASI AH:-Siyaasi Axmed Falagle “Farmaajo Meel walba oo uu Tago U malayn maayo inuu kala kulmi doono Mucaarad reer Galmudug Ah”

SHARE

Wsiir kuxigeenkii hore ee wasarada warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Galmudug waxa uu kaga hadlay socdaalka madaxwaynaha Soomaaliya uu ku maray deegaanada Dowalag Goboleedka Galmudug

Waxa uu sheegay in socdaalka dhanka lugta ah ee madaxwaynuhu kumaray deeganada galmudug in ay tahay midii ugu muhiimsanayd ee madaxwayne uu sameeyo, islamarkaana ay muujinayso Amaanka ka jira degaanada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wsiirkii kuxigeenkii hore wasarada warfaafinta galmudug ayaa ku amaanay madaxwaynaha soomaliya in uu yahay madaxwayanaha kaliya ee taga hobyo taas oo uu sheegay in wax badan oo horumar ah u horseedi doono bulshada hobyo iyo dhamaan dadka galmudug.