Madaxweyne Xaaf oo sheegay in guulo uu soo hoyay safarkii Madaxweyne Farmaajo

SHARE

Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) Madaxweynaha dowlada  Galmudug Soomaaliya ayaa sheegay in ay guulo la taaban karo ka gaareen Socdaalkii ay ku mareen deegaanada Galmudug isaga iyo Madaxweynaha Jmahuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Socdaalku uu ahaa mid taariiqi ah maadaama Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed uu mudo ka badan tobon cisho ku sugnaaa deegaanada hoos yimaada Galmudug halkaas oo qeybaha bulshada kulamo kala duwan kula qaadanayay Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha dowlad goboleedka Sooamaliyeed ee Galmudug ayaa sheegay in Maamulka Galmudug oo kaa shanaya Ganacsatada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go,an tahay sanadkaan dhismaha Dekedda Magaalada Hobyo oo shalay uu dhagax dhigay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo si buu yiri loogu adeego bulshada Sooamaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo inta uu ku sugnaa Galmudug waxaa uu furay mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo qaar kamid ah deegaanada Galmudug.