Golaha Ammaanka QM oo walaac ka muujiyay xasilooni darada Siyaasadeed Ee Soomaaliya.

SHARE

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii soo dhaweeyay horumarka Soomaaliya waxaana uu ku boorriyay dhinacyada in ay sameeyaan sanadkan 2018 fulinta isbedelada kala duwan.

War saxaafadeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa lagu soo dhaweeyay ballanqaadyada siyaasadeed ee dhinaca amniga, dib uhabaynta dhaqaalaha iyo mida dib u dhiska dalka.

Goluhu wuxuu ku nuux nuux saday muhiimada ay leedahay horumarinta dejinta siyaasadeed ee loogu diyaar garoobayo doorashooyinka 2020 ama 2021, wuxuuna dhinacyadaas ku booriyay dardar gelinta shaqadooda.

Goluhu wuxuu walaac ka muujiyay xasillooni darrida ka jirta Soomaaliya wuxuuna ku baaqay dhammaan dhinacyada in ay xaliyaan khilaafaadka siyaasadeed iyada oo loo marayo wadahadal nabdoon, si aanay u dhicin arbushaad iyo waxyeelo kale.

Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa ammaanay ballanqaadkii Soomaaliya ee ahaa in lala shaqeynayo la-hawlgalayaasha si loo horumariyo qorshe ku meel gaar ah oo leh taariikhda caddaynta.

Khudbad Micheal Keating uu Arbacadii kahor jeediyay Golaha Ammaanka ayaa waxa uu kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ee sanadkii 2017, isbedelkii nabadeed ee lagu kala wareegay xukunka, kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo, waxaa si gaar ah diiradda ku saaray waxyaabihii ka qabsoomay Soomaaliya, guulihii ay gaartay dowladda, ammaanka, howlgalka AMISOM iyo dagaalka Al-Shabaab.

Mr. Keating ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ay meel aad u kacsan gaartay, xiisadihii bishii December ee ka dhashay dhacdooyinkii is xigay ee ka dhacay Muqdisho sida howl galkii Ciidamada NISA ku qaadeen Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, xariggii loo geystay iyo weerarkii guriga Senator Cabdi Qeybdiid oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka, wuxuuna ku baaqay in loo baahan yahay in wax laga qabto sida shuruucda aan ku filneyn iyo ilaalinta nidaamka siyaasadda