Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Somaaliya oo ka warbixiyay guusha ay ka gaareen dagaalka Al shabaab

SHARE

Taliyaha Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya Generalka Cismaan Nuur Subagle ayaa sheegay in ay wadashaqeyn wanaagsani ka dhaxeyso Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya taasina ay u suurto galisay in Maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab laga saaro inta badan Dalka.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahiyay guulaha ay ka gaareen Dagaalka ay kula jiraan Maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab, kuwaasi ee uu shaagay inay inta badan kaga guuleysteen, balse loo baahan yahay in la dhameystiro.

Generalka Cismaan Nuur Subagle ayaa soo hadal qaaday qorshayaasha Ciidamada AMISOM ay kaga baxayaan Soomaaliya, isagoo qeexay in ay ka go’an tahay ka bixitaanka Soomaaliya marka amniga guud ee Dalka ay ku wareejiyaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taasi oo ay hadda socoto qorshahooda.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Generaal Subagle ayaa sheegay in ay jiraan caqabado maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ku hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed Dagaalkooduna uu yahay mid isbed-bedala, laakiin ay ka warqabaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM qorshe kasta oo ay la yimaadaan Argagaxisada Al shabaab.