DHAGEYSO:-Banaan baxyo lagu Tageerayo Ciidamada Galmudug oo Ka dhacay C/waaq.

SHARE

Isku soo baxaan lagu tageerayey Howlgalka dib u soo celinta Nabada Iyo Xasiloonida Degmada C/waaq ee Waqooyiga Galgaduud ayaa maantay ka dhacay magaalada C/waaq waxaana ka soo qeyb galay Bulshada ku nool degmadaasi iyagoo muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin talaabada ay Dowlada Galmudug ka sameysay Degaanka oo mudooyinkii dambe ay ka jirtay xiisad colaadeed oo u dhexeeya Bulshada wada dagta magaladaasi.

Dadka ka qeyb qaadanayey isku soo baxa ayaa muujiyey sida ay u garab taagan yihiin Ciidamada ku Howlan Hub ka dhigista iyo xasilooni ku soo dabaalida Degmada C/waaq kuwaas oo sheegey inay mudo ku taamayeen inay maanta oo kale soo mari doonto.

Dhanka kale waxaa ay ku baaqeen in Dowlada galmudug ay dadaalkaan sii xoojiso si loo helo nolol wanaagsan oo ka hirgasha magaalada oo sanadihii mdambe ay calaado la dageen.

Ciidamada Dowlada Galmudug ayaa maalmo ka hor waxay ay bilaabeen howl galo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada C/waaq isla markaana hubka looga dhigi lahaa maleeshiyaadka hubaysan ee mararka qaar falalka amaanka lidigi ku ah sameeya.

C/waaq oo dhacda waqooyiga Gobolka galgaduud ayaa waxaa soo maray colaad Beleedyo u dhexeeyey dadka walalaah ee wada daga magaaladaasi taas oo markii dambe sababtay inay kala xiranto magalada C/waaq, waxaana dhawaan Gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Iyo madaxda Dowlada Galmudug kuwaas oo ku dhawaaqay in wax laga badali doono Xaalada Magaladaasi.