Guddoomiye Muudey oo ku dhaliilay Xukuumadda Kheyre inay xaqirtay wixii dowladihii hore soo qabteen.

SHARE

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha shacabka C/wali Ibraahim Muudey oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabadii xil wareejinta Hoggaanka cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa farriin kulul u diray Xukuumadda Kheyre.

Guddoomiye Muudey ayaa sheegay in dowladba dowladdii ka dambeysa ay dalkan wax ka soo qabaneysay, hase ahaatee maalmahan Xukuumadda Kheyre ay wax walba ka dhigayeen inay iyagu qabteen, balse aanay marna xusin wixii ay soo qabteen dadkii ka horeeyay.

“Maalinba maalinta ka dambeysa, dowladba dowladda ka dambeysa wax ay sameyneysay, horta waxaa la yiraa gadaal ka gaar goob dumis waaye, waxaa rabaa saaxibkey Kheyre iyo Xukuumaddiisa dadka ka mid ah, oo dhahaya anaga wax qabanay, waxaa rabaa in la sheego wixii ka horeeyay ee la soo qabtay, taas abaal darro ayay noqoneysaa”ayuu yiri Guddoomiye Muudey.

Guddoomiye Muudey Muudey oo fariintan u dirayay Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada ayaa sheegay inay dalka yimaadeen, iyadoo wax kasta ay nidaamsan yihiin oo marxalad adag lagu soo shaqeeyay, kadibna talada dalka ay qabteen.

“Waxaa timideen meel dhisan, lagu soo rafaaday, lagu soo qarxay, lagu soo baahday ayaa timideen, maad sheegtaan dadkii idinka horeeyay waxay soo qabteen, abaal daridaas ma fiicno waxaa rabaa in la sheego qof kasta oo soomaali ah shaqada uu qabtay in la sheego taasee ayay cadaalada ku jirtaa Soomaalinimada ay ku jirtaa, waxaa goobjoog u ahaa 2009-kii Xildhibaan baahi ugu dhintay magaaladan markii uu wax cuno waayay oo qof uu shaxaadana uu garan waayay”ayuu yiri Guddoomiye Muudey.

Waxaa uu sheegay dhismaha Xarunta Aqalka dowladda Hoose iyo quruxdeeda aanay midna keenin labada Guddoomiye ee xilka kala wareegaya, isagoo xusay inay xaruntan labada yimaadeen iyadoo habeysan oo qurxan oo meel barwaaqo ah sida uu yiri.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddooyinkii dambe waxa ay astaan ka dhigatay hal ku dhiga ah waa markii ugu horeysay oo ka turjumaysa shaqada la qabtay inay tahay tii ugu horeysay ee nooceeda dalka laga sameeyo, wixii ka dambeeyay 8 February, markii xilka Madaxweynaha loo doortay Madaxweyne Farmaajo.