Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya oo lagu wado in goor dhow taageerayaashiisa ay u dhaariyaan Madaxweynaha Dalka.

SHARE

Boqolaal ruux ayaa isugu soo ururay fagaaraha Uhuru Park ee magaalada Nairobi si ay uga qeyb galaan munaasabad la filayo in taageerayaasha xisbiga mucaaradka ay u dhaariyaan Raila Odinga madaxtinimada dalka Kenya.

Odinga ayaa saddex bilood ka hor sheegay in la xaday doorashada dalka Kenya waxaana jirta cabsi ku aadan dhanka ammaanka iyadoo ciidamada Booliskana ay meel sare kala socdaan waxa ka dhacaya magaalada Nairobi.

Odinga oo 72 jir ah ah ayaa waxa uu ku andacoonayaa in saddex jeer doorashooyinkii la galay lagu shubtay oo la xaday waxana u diiday inuu aqoonsado Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta dib u doorashadiisi dhamaadkii sanadkii hore.

Raila Odinga ayaa hore dhowr jeer ay madaxda caalamka ugaga codsadeen inuusan ku dhaqaaqin tallaabo uu isugu dhaarinayo madaxtinimada dalka Kenya.