Garaad Cali Sahal Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyey Dhul Waqaf Uu Masjid U Siiyey Oo Lagaga Haysto Magaalada Kismaayo.

SHARE

Mid kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanada juba-land ee magaalada
kismaayo ee xarunta maamulka juba-land ayaa sheegay in lagaga haysto
si sharci daro ah dhul cabirkiisu yahay 40 x 40 oo ku yaala xaafada
far-jano ee magaalada kismaayo oo uu iska lahaa islamarkaana loo
cabiray 1984 tii oo uu waqaf uga dhigay in laga dhiso masjid ay
muslimiintu ku cibaadaystaan

Garaad cali sahal claahi ducaale oo kamid ah odayaasha dhaqanka
gobolada juba-land ee waamo ayaa warbaahinta si dareen leh ugu sheegay
inuu ka cabanayo dhul laga haysto oo uu waqaf uga dhigay in masjid
laga dhiso islamarkaana uu si xoog ah uga haysto nin uu ku sheegay
inuu yahay ciidamada poliska maamulka juba-land oo uu magaciisa kusoo
koobay cabdi xashi.

sidoo kale garaadka ayaa cod dheer ku sheegay isagoo dareen murugo leh
laga dareemayo inuu askarigaas garab xoog leh ka haysto taliyaha
ciidanka poliska gobolka jubada hoose col naasir islamarkaana
saxaafada u cadeeyey in dacwadu ay gaadhay maamulka juba-land
madaxdiisa sar sare isagoo sheegay inuu gaashaanka u daruuray amarkii
kasoo baxay madaxda sar sare ee juba-land col-naasir waa siduu
hadalka u dhigaye oo si toos ah garab u siinaya askarigaasi oo uu
sheegay inay isku hayb yihiin.

Garaad cali sahal oo kamid ah odayaasha sida weyn looga yaqaano
goboladaasi gaar ahaan magaalada kismayo ayaa sheegay inuu haysto
dukumentiga dhulkaasi oo cabirkiisu yahay 40 x 40 m islamarkaana uu
waqaf uga dhigay in laga dhiso masaajid ay ku cibadaystaan dadka
muslimiinta ahi isagoo umada soomaaliyeed gaar ahaan madaxda sar sare
ee maamulka juba-land kuwa dowlada f somalia iyo cid kasta oo ka
damqanaysa dulmiga lagu hayo sheegay inay usoo gurmadaan.

maaha markii ugu horaysay ee cabasho noocan oo kala ah ka timaado
dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada kismaayo ee xarunta jubada
hoose iyadoo tiro ka dhowr jeer ay ka dhacday magaalada kismaayo
islamarkaana aysan jirin cid wax ka qabatay dhul boobka ay ku hayaan
dadka kasoo jeeda haybta madaxweyne axmed madoobe