Taliye Siciid Dheere Oo ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan ah Maamulka Soomaaliland Gaarayna…

SHARE

Taliyaha Guud ee Ciidamad maamulka Puntland Jeneral Saciid Xirse dheere ayaa gaaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaasi oo ay isku horfdhiyaan Ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland.

Waxaa uu la kulmay Saraakiisha Ciidamada maamulka Puntland ee ku sugan Aaga Tukaraq, isagoona u sheegay in ay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah Ciidamada maamulka Somaliland.

Generaal Siciid Maxamed Xirsi siciid Dheere taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland ayaa socdaalkiisa Tukaraq waxaa ku weheliyay Saraakiil ka socda ciidamda Daraawiishta,Nabad sugida iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Ciidanka Somaliland ayaa haatan waxay ku sugan yihiin halka loo yaqaano labo madax oo ah duleedka magaalada Tukaraq , halkaasi oo ay ka sameystay Dhufaysyo.

Ciidankii Puntland ee ku sugnaa Tukaraq ayaa halkaas isaga baxay waxayna ku sugan yihiin meel aan ka fogayn goobta ay ciidanka Soomaaliland ku sugan yihiin.

Xiisadda u dhaxeysa Labada maamul ayaa ka dhalatay Safarkii Wasiirka Qorsheynta dowladda Dhexe uu ku tagay degaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag.

Somaliland ayaa sheegtay in ay jawaab ka bixin doonto Booqashadda Wasiirka Qorsheynta.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeysatay xiisadda dagaal maamulada Somaliland iyo Puntland.

Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday xaalad dagaal ka dib markii ciidamada maamulka Somaliland ay qabsadeen degaanka Tukaraq.