SAWIRO:-Madaxweyne ku xegenka Galmudug oo Shirar Dib U heshiisiin ah ka wada Gobolka Galgaduud.

SHARE

Gaalkacyo- Galmudugtv- Madaxweyne Ku xegeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa ka qeyb galay Kulan looga hadlayey Dib u heshiisiinta Beelo wada daga gobolka Galgaduud, kuwaas oo ku kala abtisada degmooyinka balanbale iyo Guriceel isla markaana ay Mudo badan colaad sokeeye dhextaalay.

Kulanka ayaa waxaa ka soo Qeyb galay Odoyaasha Dhaqanka beelaha ay colaadu dhex taalay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana goobjoog ka ahaan madaxweyne ku xegeenka iyo wasiiro ku wehlinayey socdaalkiisa waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Qaar ka mid ah Odoyasha labada dhinac ayaa soo dhhaweeyey Dadaalka ay dowlada Galmudug ku bixinayso soo afjarida caalada dhex taala beelaha ku midaysan Galmudug iyo sidii Xasil;ooni looga abuuri lahaa degaanada Galmudug.

Madaxweyne ku xegeenka Galmudug Mudane Maxamed Xashi Cabdi Carabey kulanka ka hadlaya ayaa sheegey in beelahaan looga baahan yahay inay Noqdaan kuwii ay ku dayan lahayeen beelaha kale ee sidaan oo kale colaadu u soo dhex martay xiliyadii lagu jiray dagaaladii sokeeye ee Sooamaaliya isla markaana ay iska Cafiyan wixii soo Dhexmaray.

Mudane Carabey ayaa ku bogaadiyey Dadka Waqooyiga Gobolka Galgaduud sida ay ugu jajaban yihiin nabada iyo wada noolaanshaha Dadka walaalaha,isagoona ugu baaqey inay ka shaqeeyaan nabada iyo baraaraha Galmudug.

Madaxweyne Ku xegeenka Galmudug iyo wasiiro uu hogaaminayo ayaa ayamahan waxa ay socdaal nabadeed ku marayeen degaanada dhaca waqooyiga Gobolka Galgaduud taas oo looga gol leeyahay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa meelaha ay colaaduhu ku dambeeyeen ee ka tirsan Galmudug.