WAR-BIXIB+SAWIRO:-Dhalinyarada Degmada Saddex Higlo Oo Bilaabay Barnaamij Soo Jiitay Dadka gobolka Mudug.

SHARE

Gaalkacyo- Galmudugtv- Ururka Dhalinyarada Degmada Sadex Higlo ee Gobolka Mudug ayaa Bilaabay barnaamij iskaa wax u qabsaa oo ay ku dhisayaan laamiga burbursan ee Dhexmara Degmadaasi, iyagoona ay taba rucaada ay u caawinayaan Bulshada degaanka.

Gudoomiyaha ururka Dhalin yarada Degmada Saddex higlo C/shakur Cumar xasan oo la hadlay warbaahinta Ku Hadasha Afka dowlad Goboleedka galmudug ayaa sheegey in Barnaamijkaan ay aragtidiisa leeyihiin Dhalinyarada Degmada isla markaana ya bilaabeen sidii degaankooda ay wax uga qaban lahaayeen isagoona intaas raaciyey inay qorshaynayaan Barnaamijyo intaas ka balaaran inay ka qabtaas Dagmada Saddex Higlo ee Gobolka Mudug.

Dadka degaanka ayuu sheegey Gudoomiyuhu inay soo dhaweeyeen Qorshahaan iska wax u qabsaa iyadoona ay shacabka ay ku dhiiri galiyeen hamigooda ah in bulshada ay iyadu wax qabsato.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale Shaagey inay haminayaan in la dayactiro ilaa 7Km oo laamigaa waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey sida dadka degaanka ay u rabaan inay degaankooda dhistaan iyagoon cidkale gacmaha u hoorsan.

Docda kale Gudoomiye C/shakur Cumar xasan ayaa Xusey in arintaan ay bar bar socoto hagaajinta Bilicda magaalada isla markaana ay ka shaqeeyaan nadaafada iyo sidii magaalada Bilicdeedi dib loogu soo celin lahaa, iyadoo la kaashano dadka Shacabkee ee Degmada Saddex Higlo.

Gudoomiyaha ururka Dhalin yarada Degmada Saddex higlo C/shakur Cumar xasan ayaa ug dambeytii waxaa uu baaq u diray Dhalinyarada Soomaaliyeed isaga oo ugu baaqay inay ku Kalsoonadaan naftooda isla markaana ay degaanadooda wax ku soo kordhiyaan si loo helo degaano bilicsan