DAAWO SAWIRO:-Masuuliyiin Ka Tirsan Galmudug oo Daah furay Isbitaalka Bandiiradley.

SHARE

Waxaa Maantay Xariga Laga Jaray Isbitaalka Degmada Bandiiradley ee Gobolka Mudug, taas oo mudooyinka dambe uu Laga waday dib u howlgalinta Xarumaha adeegyada Bulshada oo ay ugu horeeyaan isbitaalada iyo goobaha kale ee Caafimaadka.

Waxaana ka qeyb galay Furitaanka Isbitaalkani masuuliyiin ka socday wasaarada Caafimaadka Galmudug, Maamulka degmada Gaalkacyo kan Degmada bandiiranley Masuuliyiin ka tirsan ururka Dhaqaatirka galmudug Ururada bulshada iyo qeybaha kala Duwan ee bulshada Gobolka Mudug.

Ugu Horeyntii ayaa waxaa ka hadlay xaflada xariga looga jarayey isbtaalka degmada bandiiradley Gudoomiyaha Degmada bandiiradley C/risaaq Axmed jamac isagoona sheegey sida ay ugu faraxsan yihiin hirgalinta isbitaalkaan oo bulshada ay baahi weyn u qabtay islamarkaana waxa uu u mahadceliyey bulshadii qeybta ka qaadatay dhismaha isbitaalkaasi.

Agaasimaha Isbitaalka Weyn ee magaalada Gaalkacyo Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa dadka ka qeyb qaatay howl galinta isbitaalkaan ayaa ka war bixiyey mar xaladaha uu soo maray dhismaha isbitaalkaan iyagoona xusey inay dadka ka qeyb qaatay iyo ururada gacanta ka geystay, Waxaana uu hadal dardaaran uu u jeediyey Shacabka Degmada bandiiradley.

Qaar ka mida Odoyaasha Dhaqanka gobolka Mudug oo iyagu qeyb ka ahaa dadkii ka soo qeyb galay furitaanka isbitaalka ayaa dhankooda bogaadiyey isku tashiga bulshada ay ku dhisteen Isbitaalka weyn ee degmada Bandiiradley.

Mahad Caabi Ciise oo ku hadlayey Afka wasaarada caafimaadka Galmudug ayaa u mahadceliyey cid kasta oo ka qeyb qaadatay dhismaha isbitaalka Bandiiradley waxaan uu sheegey in loo baahan yahay in bulshada ay gacan siiyaan dhaqaatiirta sida taba rucaada ah ugu howl galaysa isbitaalka kuwaas oo ka imaanaya isbitaalka Gaalkacyo.

mahad Caabi ayaa dhanka kale waxa uu sheegey inay Galmudug ay kaalinteeda ka qaadanayso Caawinta bulshada isla markaana loo baahan yahay inay dadka ay iyagu isku tashtaan.

Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yusuf Barre oo soo xiray xafladda xariaga looga jarayey isbi9taalka ayaa ug horey waxa uu bogaadiyey muhiimada ay leedahay inay bulshadu wax qabsato islamarkaana shacabka bandiiradley ay hormuud u noqonayso dadka iska wax u qabso wax ku dhistay.

Xirsi yusuf ayaa dhanka kale waxa uu xusey in lagama maarmaan ay tahay in la dhagax dhigo qeybta bukaan jiifka isbitaalka dhaqaalihii lagu dhisi lahaana bushada looga fadhiyo, waxaana uu ku dhawaaqay lacagta uu maamulkiisa uu kaga qeyb qaadanayo Dhismaha Qeybtaasi.

Isbitaalkaan ayaa waxa dhismihiisa ka qeyb qaatay dadka degaanka Bandiiradley iyo Hay’adaha Himilo iyo Human Concen oo waxaana sidoo kale qeyb aan la dhayalsan karin ka ahaa dadka ku nool magaalada Muqdisho ee u dhashay degaanada Galmudug gaar ahaan Gobolka Mudug.

Halkaan ka Daawo Sawirada Xafladda.