WAR CULUS:- Qarax Xoogan oo Gaalkacyo Ka dhacay iyo Khasaare Ka dhashay.

SHARE

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maantay Galinkii dambe waxaa ka dhacay qarax kaas oo jugtiisa laga Maqlay xaafada Israac oo uu qaraxaasi ka dhacay.

Qaraxan oo ka dhacay Agagarka Xarunta cusub ee Dowlada Hoose ee degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa lagu soo warmaayaa inuu gaystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Sarkaal reer Puntland ah oo horey uga tirsanaan jiray ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed laguna magacaabo Faarax Caato, ayaa ku dhintay qaraxan oo gaarigiisa lagu xirey.

Sarkaalkan oo markii hore isagoo dhaawac ah la gaarsiiyay isbitaalka Gaalkacyo ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray Qaraxa, sida uu ku soo warramaayaan Wariyeyaasha magaaladaasi.

Saraakiisha amniga oo weli aanan faah faahinin qaraxan ayaa wada baaritaanada la xiriira qaraxa, waxayan ku daba jiraan raga lagu tuhmayo falkan in ay ka dambeeyaan.

Ururka Al-shabaab ayaa geysta falalka nuucaan oo kale ah, ee ka dhaca degaanada Puntland, Ciidamada ammaanka Puntland ayaa baaritaano guri guri ka sameeyay xaafada qaraxa uu ka dhacay, inkastoo ilaa hadda aanay sheegin cida qaraxan loo soo qabtay.