Home MAQAALO Wax ka Ogow Safarka Raysul wasaare Khayre Ee dalka.

Wax ka Ogow Safarka Raysul wasaare Khayre Ee dalka.

24
0

Xasan  cali Khayre Raysul wasaaraha somaliya ayaa la Filayaa inuu gaaro dalka isku taga imaaraadka Carabta, waxaana socdaalkiisa ku wehlin doono wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.

Socdaalka Raysul wasaraaha aya soo shaac baxay kadib markii magaalada DOVAS ee dalka swezarland ay ku kulmeen wasiirka amimaha dibada ee dalka isku taga imaaraadka carabta.

Wararka ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta ay horay martiqaad ugu soo dirtay Ra’iisul Wasaaraha, hase ahaatee ay jireen mashquul iyo howlo soo dhex galay.

Lama oga saameynta uu Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Imaaraadka Carabta ku yeelan doono hadalkii shalay ka soo yeeray Senator Cabdi Qeybdiid oo sheegay in weerarkii lagu soo qaaday gurigiisa 30 bishii December ee sanadkii hore la rabay in lagu khaarijiyo, isla markaana ay ka dambeeyeen Ciidamo laga soo amray Dugsiga Tababarka Jen. Gordon oo ay maamulaan Imaaraadka Carabta iyo Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Gobolka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here