Dooni ku caarisay xeebta Magaalada Boosaaso.

SHARE

sida wararku sheegayaan Doon u rarneynd Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku soo caarisay xeebta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee maamulka Puntland.

kadib cilad soo wajahday doonta ayaa la tilmaamay in ay keentay arinkani.

Doontaan ayaa lagu waramayaa in ay wadday Badeeco kala duwan oo ay ka midyihiin Gaadiidka,waxaana durba la bilaabay dejin,iyada oo gudaha Badda looga dejinayo loogana soo qaadayo doomo kale maadaama ay adkaatay in ay sida cadiga ah ugu soo xerato dekada.

wararku waxaa ay sheegayaan in Xilliga cilladdan qabsaneysay doonta ay taagneyd banaanka Dekadda Boosaaso,iyadoo ay sugeysay safka doomaha ku xiran dekadda ee dajinta badeecootyinka ku socotay.