Sawiro:-Madaxweyne Xaaf oo Muqdisho uga qeyb galay Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug.

SHARE

Shirkan dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug oo lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo oo kusugan magaalada Muqdisho,xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamanaka Soomaaliya iyo Golaha nabadeynta Beelaha Soomaaliyeed.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo Imaam Rashiid Cabdi Axmed oo kamid ahaa dhaqankii Soomaaliyeed ee halkasi ka hadlay ayaa siweyn u bogaadiyay xoojinta dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed,iyagoo amaanay doorkii madaxweynaha JFS uu ka qaatay dib u heshiisiinta Galmudug.

“Waxaanu ka bilownay dhamaan Gobolada Dalka,dadka waxay nagu soo dhaweeyeen farxad,hadada waxaan ka bilaabaynaa Galmudug dib u heshiisiinta,walaalayaal Galmudug waa ubucdii Soomaaliya,hadii lafdhabarka la xaliyana waxkasta way sahlanaanayaan,sidaasi daraadeed ayaan halkaasi u aadnay,maanta madaxweynihii ayaa fadhiya xildhibaanadii iyo haweenkii,waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliuyeed ay naga qaataan nabadda.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa yiri.

“Waxaan ku dadaali doonaa aniga iyo madaxweynaha JFS in aan halkeedi ka sii amba qaadno howsha dib u heshiisiinta inta ka dhiman,waxaan fariin u dirayaa Ganacsatada, Galmudug way dayaceen,maanta waxaa tagay Hobyo shirkadii dhisilahayd Dekedda ilaahay hanagu guuleeyo,waxaan ilaahay ka rajeynaynaa in aad heshaan waddooyin laami ah oo dhisan,waxaan ugu baaqaya in ay ka qeybqaataan dhamaan dadka ganacsatada ah horumarinta deegaanadaasi”.Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Golaah Nabadeynta Beelaha Soomaaliyeed ayaa goobta waxa ay shahaado sharaf ku gudoonsiyeen Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C.laahi Faramajo iyo Madaxweynaha Galmudug.

Hoos Ka Daawo Sawiradda.