DEG DEG:-Kooxo Hubeysan Oo Gudaha U galay Saldhiga Boosaaso iyo Dagaal Hada Socda.

SHARE

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xaruunta gobolka Bari ayaa sheegay in weerar culus lagu qaaday saldhiga magaaladaasi, isla markaana ay weerareen kooxo ku hubeysan qoryaha daran dooriga u dhaca, waxaana iska caabi sameeyey ciidanka maamulka puntland ee magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhaawacmay sadex askari oo uu ka mid yahay Taliye ku xegeenkii magaalada Boosaaso kaas oo lagu magacaabi jiray Taliye Sanweyne, waxaana dhaawacooda la geeyey isbitaalka weyne ee magaalada.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadli weerarkaan lagu qaaday saldhiga magaalada isla markaana qal qal galinaysa amaanka magaalada Boosaaso.