Akhriso:-Gudoomiye Ku Xigeenka G\Sare Ee Beesha Habargir Oo Ka Hadlay Midowgii Galmudug iyo Ahlusunna Baaqna U Diray Madaxa Xukuumadda Galmudug

SHARE

Gudoomiye ku xigeenka gudiga sare ee beesha habargidir nabadoon xasan maxamed diirshe xasan gaabane oo wasaysi siiyay Oo Warbaahinta Kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa Ka Hadlay Midowgii Galmudug Iyo Ahlusunna baaqna U diray madaxa xukuumadda galmudug shiikh maxamed shaaki cali xasan.

Nabadoon xasan gaabane ayaa ugu horeen soo dhaweeyay midowgii galmudug iyo ahlusunaa waljameeca wuxuun sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in gobolada dhaxe ay hal maamul oo galmudug ah ku midoobeen.

Dhinaca Kale Gudoomiye Ku Xigeenka Gudigga Sare Ee Beesha Habargidir oo ka Mid ahaan jiray xertii uu kitaabaha u Akhrin jiray shiekh Maxamed shaakir ayaa ugu baaqay madaxa xukuumadda galmudug in si cadaalad ah loo qeysado xibnaha ka imaanaya Ahlusunna ee la doonayo in lagu soo daro Baarlamaanka galmudug Madaama Sida Uu Sheegay ay galmudug u dhisantahay qaab beeleed waxuuna ku baaqay in beelaha daga galmudug si siman loogu qeybiyo xibnaha lagu soo darayo baarlamaanka si dib u heshiisiinta loo xoojiyo.

Ugu danbeentii gudoomiye ku xigeenka gudiga saree ee beesha habargidir ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in shiekhu uu si cadaalad ah degaanka ku maamuli doono’ bulshada galmuduna waxuu ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan iskuna samraan si loo gaaro nabad iyo hor waara

Hadalka gudoomiye ku xigeenka beesha habargidir ayaa ku soo aadaya xili la filayo in dhawaan la mideeyo baarlamaanadda galmudug iyo ahlusunna waljameeca oo waa dhawaan midoobay