Dawo dhacday oo maanta Muqdisho lagu Gubay.

SHARE

Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir ku soo bandhigay Dawo dhacday oo degmadaas lagu gubay.

Dawadaan dhacday ee maanta lagu gubay Degmada Karaan ayaa waxay ka koobnaayeen hal kun teendher oo isugu jira agab iyo dawo dhacday.

Dawooyinkaan Dhacay ayey sheegeen in laga keenay Dalalka Kuweyt iyo Ingiriiska Saraakiisha Ciidamada Boliska iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadirba.

Xubnahaan ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ey wadi doonaan dadaalada looga hor tagaayo dhacdooyinka nuucaan oo kala ah.

Ma`ahan markii ugu horeysay oo muqdisho lagu soo bandhigo Dawo iyo raashiin Dhacay.