XOG XASAASI AH:-Qorshe Halis ah oo Al-shabaab ay ka Damacsan yihiin Magaalada Bosaaso Oo la ogaaday.

SHARE

Kooxda Al-shabaab ayaa Mudo ka badan 10 sano waxa ay ka dagaalamayeen buuraha Gal gala oo ku hareeraysan magaalada Bosaaso, kuwaas oo cadaadis badan saaray intii ka dambeysay sanadkii 2016-kii isla markaana waxay bilaabeen inay wadooyinka u galaan ciidamada maamulka Puntland iyagoo weeraro badan fuliyey sanadkii 2017-kii kuwaas oo aan ka xusi karno weerarkii Af urur iyo kuwa kale oo badan.

Weerarada Ay qaadayeen kuma ekayn kuwa dhabagalkaa balse waxaa jiray kuwa ay ka fuliyeen magaalada iyaga oo magaalada ka geysta toogashooyin iyo weeraro ay ku qadaan xarumaha kale ee dowlada.

Sanadkii 2016-kii ayaa kooxda shabaab waxay ka soo dageen xeebta Garacad ee Gobolka Mudug kuwaas oo isku balaariyey Gobolka Nugaal iyo qeybo ka mid ah Mudug halka qaar kalena ay u talaabeen buuraha Gal gala, balse maamulka Puntland ayaa cashar lama ilaawaan ah waxay u dhigeen qeybihii gudaha u galay Nugaal iyo Mudug, Waxaana kooxdaasi u sii dabar tiray Ciidamada Galmudug kuwaas oo soo afjaray shabaabkii ka soo dagay xebaha maamulka Puntland.

Al-shabaab ayaa ayaamihii dambe waxa ay xoojiyeen weerarada ay ku hayaan ciidamada maamulka puntland ee ka baxa magaalada Bosaaso ee ku sii jeeda buuraha Gal gala, iyadoona ay intaas u dheer tahay inay cadaadis saaran ciidamada ku sugan Buuraha Gal gala iyagoona wadooyinka u gala ciidamada sida gurmadka ah ugu baxa ciidamada kale ee dagaaladu qabsadaan.

Xogtaan ayaa intaasi ku daraysa in kooxda Al-shabaab ay doonayaan inay go’doomoyaaan magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari isla markaana ay ka dhigaan sida magaalooyin badan oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya waxaana hada ay wadaan qorshe ay ku go’doominayaan magaaladaasi.

Maamulka Puntland ayaa xilligaan u muuqda kuwo qaati ka taagan la dagaalanka kooxda shabaab, waxaana sii kordhaya qatarta amni ee degaanada puntland ay ku hayaan shabaabku.

Xalay ayey ahayd markii dablay hubaysan ay qaraxyo iyo weerar toosaba ay ku qaadeen saldhiga Bosaaso halkaasi oo uu ka dhashay qasaare kala duwan, waxaana halkaasi ku dhaawacmay Taliye ku xegeenkii saldhiga Bosaaso.

Puntland ayaa waxa ay wajahaysaa xaalad dagaal oo kaga imaanaysa maamulka Soomaaliland iyo kooxda shabaab, mana muuqato talaaboyin ay u qadeen sidii loo soo afjari lahaa dagaaladaasi.

La soco xog kale oo ku saabsan xalada puntland iyo amniga degaanadeeda.