FAALO+SAWIRO; Maxaa Kala Socotaa Xaalada Caafimaad Dhibane Faisa?

SHARE

Faallo: Dhaawicii Halista Ee Dhuldhigay Maanta Ayay Dhigeeda La Boodeysa.
Marka Hore Mahdi #Alle_Ayey_u_Sugnaatay oo leh Awooda Baaqi Ahaanshaha Nolosha, Geerida, iyo Caafimaadka Fursada Leh.
Halis ay malaysteen Dadka Qaar in ay adag tahay dib uga soo ka bashada dhibkii ku dhacay Kaasi oo Asiibay Walasheen Faa’za Shekh Cabdi Xaye Ka dib markii Shaqsi damiir kiisa tusay dhibaatayta Gabadhaas isagoo u adegsaday hub Rasastiisana uu kaga dhuftay qeyb ka mid ah xubnaheda Jirka Tan ugu muhiimsan.
Latacaalid iyo dadaal dheer ay ku bixiyeen Ehelkeeda si mar un ay u arkaan Gabadhooda oo caafimaad qabta, dhaqaatiirtuna ay xiligaas ku wargelinyeen in xaldeeda aan wax looga qaban karin gudaha dalka.
Balse Duqii Hore ee Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed Ayaa suuro galiyey in Faa’iza Shekh Cabdi Xayi ay hesho cafimaad dibada ah gaar ahaan dalka Turkiga waxa uuna maamulakaas ka faallo qaaday inta ay ka helayso Caafimaad ay lagarab taagnadaan Hiil iyo Hoo, Badbaado iyo Baxnaano Allaa iska leh ,waxaa suuro gashay in qaliinkii ugu horey oo ay dhaqaatiirtu ku sameyeen Faa’iza uu noqday mid ay ku guuleystan.
Waxay taasi soo celisay rajadii Faa’iza ee dib u helista caafimaadkeda Farxadna galisay qoyskeedii iyo dhamaan shacabka somaaliyed
Hadda Walashen Faa’iza Shekh Cabdi Xayi ayaa ah mid lugaheeda ku istaagi karta kuna dhaaqi karta ka dib markii lagu guuleystay Qaliinadii Caafimaad ee lagu sameeyay.
Alle ka Sokow, Ehelkeeda iyo Shacabaka Soomaaliyeed waxa ay arrinta kaga mahad celinayaan Guddoomiyihii hore ee gobolka banaadir Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo caafimaad Dalka Turkiga ah u qaaday Faa’iza iyo dhibana yaal Kaloo Somaaliyeed oo xaalado adag ay ku heysatay qaarka mid ah isbitaalada Muqdisho kuwaas wax loogu qaban waayay gudaha dalka mudo isaga jiray.
Guddoomiye Thabit Cabdi Maxamed Alle Hakaa Abaal Mariyo , Tanina Waana talaabo looga baahan qof walba in uu Caawiyo dhibanayaasha Somaaliyeed ee aan awooda Lahyn.
Wabilahi Towfiiq
W/Q : Abduqadir Qoslaaye