Guurtida C/waaq Oo Bayaan Ka Soo Saaray Amniga Kuna Wareejisay Dowlada Iyo Shiikh Shaakir Oo Balan qaaday+(Dhageyso).

SHARE

Xilli Maantay uu magaalada C/waaq Madaxa Xukuumada Dowlad goboleedka Galmudug Sheik maxamed Cali Xasan ayaa waxaa Guurtida magaaladasi ay soo saareen bayaan ay ku tageerayaan Dowladda iyo hub ka dhigista ay ka wado Degmadaasi.

Gudiga Guurtida Odoyaasha C/waaq ayaa soo saaray bayaankaan ka kooban Shan qodob oo asaas u noqon doonta Xasiloonida Magaalada waxaana ay fareen dad weynaha in la agacan siiyo dowlada.

Awaamiirtaana ayaa ku qotonta amaanka iyo kala dambeyta magaalada C/waaq, taas oo ay sheegen in maantay laga bilaabo ay uga dambeyn doonaan Ciidamada Xasilinta magaalada isla markaana aan la ogolaan doonin in hub sharci daraa lagu dhex qaato magaal;adaasi.

madaxa Xukuumada galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegey in Dowlad Goboledka Galmudug ay fulin doonta awaamiirtaas isla markaana ay ciidanka Galmudug ay amar buuxa u qabaan fulinta awaamiirtaasi.