Banaan bax lagu TageerayoNabada C/waaq oo ka dhacay magaaladaasi iyo Madaxda galmudug oo ka qeyb galay.

SHARE

Wararka naga soo gaaraya deegaanadda galmudug gaar ahaan magaalada cabudwaaq ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay banaabax nabadda lagu taageerayo

Isu soo bax ay ku muujirayaan jacaylka ay u qabaan Nabadda dadka Cabudwaaq ayaa magaalada ka qabsoomay, dadaaalka Nabad raadinta Caabudwaaq Ayaa Bilowday markii uu socdaalka ku tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo oo halkaasi ka sameeyay Guddi ka shaqeeya Nabadda Iyo Hormarka Deegaanka.

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi oo ugu horayn ka hadlay taallada loo asteeyay Nabadda oo banaanbaxu ka dhacay ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan Cabuudwaaq ay hormuud u yihiin nabadda iyo horumarka isagoo tilmaamay in dibadbaxani ay bulshadu ku muujinayeen jaceylka ay u qabaan nabadda iyo dowladnimada.

Axmed Maxamed Caafi oo ka mid ah gudi Dawlada dhexe ee dalka ay u wakiilatay xasilinta Degmada Cabudwaaq ayaa goobta isu soo baxa waxaa uu ka soo jeediyay waxa u qabsoomay intii ay ku guda jireen arinta xasilinta degmada Caabudwaaq, isagoo ku amaanay reer Cabuudwaaq sida ay ugu bisilyihiin nabadda iyo nidaamka dowliga ah.

Soo jeedinta go’aanka xasilinta ee gudiga kadib waxaa si wada jira u taageeyay qodobada qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Ugaas Axmed Bari Cali oo tilmaamay iney bulshadu qaadatay nabadda,

Ugu dambeyn Madaxa xukuumada Dawlad Goboleedka Galmudug Sheekh Axmed Shaakir ayaa sheegay in Galmudug ay aqbashay go’aanka gudiga xasilinta dhagan galkiisana ay diyaar u yihiin wuxuuna ka dalbaday bulshada reer Galmudug iney qaataan nabadda maamulkana kala shaqeeyaan arrimaha nabaddaynta iyo horumarka.

Hoos Ka Daawo Sawirradda