DHAGEYSO:-Ciidanka Galmudug Oo Gacanta Ku Dhigey Rag Soolarada Kala Bixi jiray Gaalkacyo.

SHARE

Ciidamada Amaanka Galmudug ee ka howlgala Magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay rag xiliga habeenkii ah la bixijiray soolarada ku shaqeeya ilayska cadceeda ee xiliga habeenkii ifin jiray magaalada.

Duqa dagmada Gaalkacyo ayaa sheegay in habeenadii danbe ay soo bateen kooxha furta soolarka kuwaas oo magaalada qaybo kamid ah baday mugdi waxa uu timaamay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen ragii ugu horeeyay ee falkaas gacanta kula jiray.

Dhanka kale Xirsi Yusuf Barre ayaa sheegey in Dowlada Hoose ay bilowday howlo lagu xaqiijinayo bilicda magaalada kuwaas oo la doonayo in xal loogu helo biyaha faraha badan ee xili roobaadka dhex fariista magaalada isla markaana ay dowlada Hoose la kaashanayso Ganacsatada gaalkacyo.

Duqa Magaalada Gaalkacyo ayaa baaq u diray shacab isagoona ugu gacan hatiyey inay ka qeyb qaataan sidii magaalada bilicdeeda loo soo celi lahaa.