DHAGEYSO:-Barnaamij Caafimaad oo laga Fuliyey Degaano Ka Tirsan Galmudug iyo Xarumo La Dhagax dhigay.

SHARE

Degaanka Saaxo-wanaag oo qiyaastii Gaalkacyo u jiraa 50KM ayaa waxaa markii ugu horeysay dadka degaankaasi ay heleen adeegyo caafimaad oo bilaasha.kuwaas oo ay gaar siiyeen Midowga Dhaqaatiirta galmudug iyadoona ay ka faaidaysteen dad iskugu jira hawen iyo caruur Islamarkaana ay baahi weyn u qabay inay helaan adeeg caafimaad oo sidaan oo kalaa.

Degaankaan oo aysan ka jirin adeegyada asaasiga ah Ee bulshada ayaa qaar ka mid ah dadka degaanka waxa ay ka warbixiyeen baahida degaanka ka jirta.

Qaar ka mid dadka ka faaidaystay Adeega caafimaad ay sameeyen Midowga dhaqaatiirta Galmudug ayaa sheegey in ay ka mahad celinayaan howlahaan caafimaad ee maantay loo sameeyey waxayna sheegen inay baahida degaankaan ka jirta ay ugu weyn tahay baahida caafimaadka iyo isgaarsiinta oo ay dhibweyn ku qabaan.

Dr. C/risaaq oo Xubin ka ah midowga Dhaqaatiirta Galmudug oo goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyey cid kasta oo ka qeyb qaadatay shaqada laga Fuliyay degaankan.

Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yusuf Barre iyo gudoomiyaha degaana saaxo wanaag ayaa dhagax dhigay Xarun caafimaad oo laga hirgalinayo degaankaasi waxaana ay ku baaqeen in laga qeyb qaato sidii degaanka uu ku yeelan lahaa adeegyada bulshada.

Halkaan Ka dhageyso Codadka.