Dhageyso:-Wafdi Ka Socday Galmudug oo Booqday Xadka ay la wadaageen Puntland (Ogow Sababta)?

SHARE

Gudiga Amniga Gobolka mudug Ee Galmudug Ayaa Kormeer ku tagay Degaano badan oo ay ku Sugan Yihiin Dad Reer miyi ah.

Xubnaha ka Socday Gudiga ayaa waxaa ka mid ahaa Maamulka Gobolka iyo Degmada Gaalkacyo Madaxweynihii Hore Ee Galmudug Odayaal iyo Waxgardka, Gudiga ayaa dadka Xoolo dhaqata ah la qaatay Kulanka isugu jira Wacyi Galin iyo Xog wareysi.

Degaanada ay Kormeerka ku Tageen Gudiga Amniga Gobolka mudug ayaa ah Meelo inta badan ay dhaceen Colaado U dhaxeyaa Maamulada Galmudug iyo Puntland Balse bilihii igu danbeyay Xalada deganadaas ay aheyd mid soo hagaageysay Tan iyo Markii la bilaabay Nabadeynta Isdhex galka Bulshada Gobolka mudug.

Qaar ka mid ah Dadka Xoolo dhaqatada ah ayaa ka waramay dhacdoyinkii igu danbeyey ee ka dhacay deganadaas Ayagona Xusay in markasta ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qataan. Nabadeynta.

Gudomiye ku xigeenka Gobolka Axmed Maxamed shire iyo Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yusuf Barre ayaa Dadka Xoolo dhaqatada ku Bogaadiyay in markasta Xojiyaan Nabada.

Madaxweynihii hore Ee Galmudug Maxamed Axmed Callin ayaa asna Xusay in Socdaalkoodu yahay mid Nabadeed Islamarkaana Loo Bahan yahay in labada dhinac ay ka qeyb qataan Nabada.

Halkaan Ka Dhageyso Codadka.