Kenya Oo Soo Bandhigtay Meydadka Dagaalyahan Ka Tirsanaa Al Shabaab.

SHARE

Ciidamada Booliska gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa soo bandhigay Meydadka  dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Taliyaha Booliska maamulka Wajeer Stephen Ngetich ayaa sheegay in Meydadkaasi ay ka mid ahaayeen dagaalyahanno ka tirsanaa Al Shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhig Ciidamada Booliska Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kutulo, halkaas oo uu ka dhacay dagaal dhexmaray iyaga iyo Al Shabaab.

Waxaana uu intaasi ku daray in ay iska caabiyeen weerarkaasi, islamarkaaan ay dileen illaa iyo 3 ka mid ahaa Al Shabaab.