Akhriso:-Wasiir Ka Tirsanaa Dowladda Soomaaliya Oo Gaaray Magaalada Hargeysa Iyo Soomaaliland Oo…..

SHARE

Wararka Naga Soo gaaraya mahaalada Hargaysa Ee Caasimadda Maamulka Soomaaliland Ayaa Sheegaya Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar, Uu shalay Gaaray Magaalada Hargeysa.

Maxamed C/llaahi Oomaar oo Deegaan Ahaan ka soo jeeda Maamulka Somaliland ayaa labo jeer soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif.

Qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa Magaalada Hargeysa ayaa Saaka qoray in Oomaar uu ka tanaasulay fikirkii uu hora u aaminsanaa Ee Midnimadda Soomaaliya, isla markaana uu garawsaday qadiyada gooni isu taagga ee Somaliland Madaxweynaha Soomaalilana Uu Cafis U Fidiyay.

Waxaa lagu wadaa inuu la hadlo warbaahinta oo uu ka sheego mowqifkiisa iyo dib ugu soo laabashadiisa Hargeysa.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee xilalka ka qabta dowladda Soomaaliya ayaa ka mamnuuca inay tagaan deegaanada Somaliland, iyagoo aan ka tanaasulin fikirkooda.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa cafis u fidiyay siyaasiyiin dhowr ah sida Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Ismaaciil Hurre Buubaa, Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa Musharaxiinta Madaweynaha ee isku soo sharaxay doorashadii sanadkii 2012.