DhAGAYSO: shacabka Miyiga Galmudug Oo wali Qaati Ka Taagan Ciidanka Puntland.

SHARE

Dadka reer Miyigaa ee Ku sugan Bariga Gobolka Mudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegey inay dhaqan galiyeen nabadii ay ugu baaqeen madaxda galmudug isla markaana ay tabanayaan Caqabado kaga imaanaya dhinaca maamulka puntland taas oo ah inaysan ka dhaqan galin nabada ay iyagu qaateen.

Qaar ka mida odoyaasha iyo waxgaradka rer guuraaga daga waqooyi bari ee gobolka ayaa xuseyn in tan iyo markii lays la qaatay xasilooni ku soo dabaalida Gobolka ay isku xukumeen inay hubka dhigaan isla markaana ay ka fogaadaan wax kaste oo horseedi kara dhibaato marka kale ka dhacda degaanadaasi.

Waxa ay sheegeen in dhanka Puntland ay wadaan Ficilo u muuqada mid nabada dhaawici kara kuwaas oo ay ka mid yihin dhaca xoolaha iyo dilal laga bad badaay waxaan ay sheegen inay iyagu garwaaqsadeen inaysan ka jawaabi daan dasigaasi ka imaanaya dhanaca maamulkaasi.

Dadkaan u hadlay reer Miyiga ayaa xusey in xoolo ay kaga maqan yihiin dhinaca Xoola dhaqatada Puntland waxaana ay intaasi ku dareen inay jiraan ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland oo dhibaatooyin ka geysta degaanada miyigaa halka Dhigoodii ay galmudug meesha ka saartay si loo fuliyo nabada.

HOOS KA DHAGAYSO MID KA MID AH SHACABAKA DHIBAATAYSAN