Xog:-Cusub: Mooshin Ka dhan Ah Ra’isul Wasare Kheyre Oo Fashilmay.

SHARE

Xog hoose oo ay Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu xalay kulan Albaabada u xiran yihiin la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanadan oo ka kala socday labada Aqal ayaa Ra’iisul wasaare Kheyre uu iskugu yeeray wuxuuna kala hadlayay Mooshinka Muqdisho ay ugu abaabulayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Kheyre ayaa Xildhibaanada u sheegay in xiligan oo Xukuumadda wax badan ay qabatay aysan habooneyn in mooshin iyo wax la mid ah waqtiga lagu lumiyo, wuxuuse sheegay in cida Mooshinka abaabuleysa ay u shaqeyso Mucaaradka diidan Xukuumadda Nabad iyo Nolol.

Raysulwasaaraha ayaa heshiis gaar ah la galay Xildhibaanadan oo ay isku raaceen inay ka hortagaan mooshinkan inta uusan furmin Kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya Oo Dhawaan Lafilayo in uu furmo.

Xildhibaanadan ayaa balanqaaday inay xukuumadda kala shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa mooshinka Muqdisho lagu abaabulayo.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Muqdisho waxaa aad looga hadal hayaa in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya marka uu furmo Kalfadhiga baarlamaanka inuu wajahi karo xil ka qaadis.