TOP NEWS:-Ciidanka Isku Dhafka Gobalka Mudug Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Dil Ka Geystay Gaalkacyo.

SHARE

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka Guulwade oo dhowaan Taliyaha CXD uu ka aas-aasay Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa gacanta ku dhigay Gacan ku dhiigle Abshir Cabdulle C/raxmaan oo 12 February 2018 Gaalkacyo ku dilay Qof rayid ah oo lagu Magacaabi jiray Hanad Jaamac Faarax kana tirsanaa shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Ciidanka oo howlgal lagu baadi goobayo Abshir Cabdulle muddooyinkii u dambeeyey waday, ayaa gacan ku dhiiglahaan kasoo qabtay Degmadda Galdogob oo dhinaca galbeed ka xigta Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo in muddo ah uu ku dhuumanayey, ayna suura gashay in ciidamada gacanta ku soo dhigaan.

Taliyaha Ururka Guul wade Korneel Cabdi Xukun, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey qabashada gacan ku dhiigle Abshir Cabdulle, isaggoo xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono Cadaaladda.