DHAGEYSO:-Ganacsatada G.Banaadir oo biri joojin doono shaqada Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

SHARE

Shir jaraa’id oo ay maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa bakaaraha ay ku qabtayn qaar ka mid ah Ganacsatada gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen in ay joojiyeen Guud ahaan Ganacsigii suuqa Bakaaraha kadib cabashooyin ay sheegeen in wax laga qaban waayay oo ka yimid dhinaca Dowladda arintaas darteedna ay u joojinayaan ganacsigii suuqa weyn ee Bakaaraha ee maagalada Muqdisho.

Ganacstada ayaa sheegay in ay xamili wayeen lacago dheeraad ah oo ay ku soo kordhisay Dowladda Soomaaliya iyagoo ugu baaqay madaxda Dowladda in ay wax ka qabtaan Cabashadooda ku saabsan canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay.

Shaqo Joojintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii dowladda soomaaliya ay canshuur dheerada ku soo rogtay ganacsatada Gobolka Banaadir gaar ahaan dekedda magaalada muqdisho ee caasimada dalka.